TUKARAQ?

Oddorross
16 May 2018
TUKARAQ:


                         TUKARAQ HA U BEDELIN RAQDII RAGGA!









"Falastiiniyiintu waxaa aay udagaalamayaa dhul hore loo dayacay lana qaatay, anaguse waxaan ku dagaalameeyna tuulo aan wada leenahay si Yahuudda aay u ogaato in aan heyno dhul bilaash ah".

"Dadkeeygow haddii wax fikir iyo xikmad haba yaraatee aay idinku hartay u adeegsada si aad hubka aad isku soo jeediseen aad u kala jeedin lahaydeen waa haddii uu intaa caqligu idiin gaaro".

Waloow hore aan uga dheregnay wax walba oo murugo ku reeba caqliga caafimaadka qaba ee Soomaaliga. Ma jirto sabab aan ugu celiyo wax la wada ogyahay oo kordhiya calool xumo. Waxaase xaqiiqa noqotay in arimahaas guraccani aayba nolosheenii iyo dhaqankeenii qeyb ka noqdeen.

Haddi arrimo qaldani aay sanooyin soconayeen cid gacan uqaadayna aan la arag, miyuusan arinku ahayn wax sidaan dhaama ma hayno?

Waxaan dhamaan la wada soconnaa , dhulboobka kajira dunidan aan ku noolnahay iyo sida aay ummadaha aay dhiig ugu qubayaan in dhulkooda dheel dheel aan lagu qaadan. Annagu meeshii aan cadawga DHULKEENA aan ka horjoogsan lahayn , ayaan waxaan ugu yeereynaa qandaraasleyda dhul boobka in aay ka iibsadaan dhulkaa DHOWRKA QOF ee soo harta kolka lays dhaneeyo laysna qixiyo.

Waxaa kaloo wax lala yaabo ah, in QOWM lagu haysto dhulkooda cadaw badanna leh , si dhulkooda looga rarro, ayaa IYAGANA is dilaya oo hubkana cadawgooda weeydiisanaya. War dagaalku sidiisaba SABAB la yaqaanno malaha miyaa?

Waxaa waayahan dhulkeena ka soo cusboonaadey dagaallo MACNO DARRAN marka laga reebo ka shabaab oo laftirkooda aad ula dhacsan in lagu kaalmeeyo ulajeedooyinkeeda.
"Aleysa fiinaa rujullun rashiid".

"Dadkeeygow haddii wax fikir iyo xikmad haba yaraatee aay idinku hartay u adeegsada si aad hubka aad isku soo jeediseen aad u kala jeedin lahaydeen waa haddii uu intaa caqligu inoo gaaro".

#FiamaaniAllah
Abdullahi Ali Mohamed

Comments

  1. Waa boloog cusub oo la xiriira qoraalada beyjkeyga Oddorross, waxii tacliimaad
    ama ra'yi ah nagu soo biiri oo wax ku kordhinaya horu kaca iyo hiigsiga mustaqbal wanaagsan ee dhulkeena iyo dadkeena . Mahadsanidiin!

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

CIRIBTA DUULKA FEKERA WAA GUUL.

DADKEEYGU MAXAAY DOONAYAAN?