DADKEEYGU MAXAAY DOONAYAAN?

              


   


                  DADKEEYGU MAXAAY DOONAYAAN?

Br.r.
Hal billyan oo dad ah ee dalka Shiinaha ku nool waxa isku haya waa DAN iyo ARAGTI aay leeyihiin wadaagaanna . Dawladii isticmaariga ahayd ee Ingiriiska waxa aay dunida barkeed ku qabsatay waxaay ahayd DOONIS IYO AWOOD iyadoo jasiirad xun ah . Waxa sidoo kale isku haya 100 Milyan oo dad kala qowmiyad iyo diin ah oo ku hoos noolaa talisyadii ka soo jiray Itoobiya waa , AWOOD iyo IRAADO aay lahaayeen hogaanadoodii, hadii kale ma suurta gasheen in aay weli gumeeysato dhul iyo dadkiisa. Waxa isku hayn kara hal qoys waa HOGAAN wanaagsan iyo DULQAAD. DADKEYGUSE MAXAAY DOONAYAAN ?
Waxaan goor aan dheereyn ii soo baxday in sheyga QARAN la yiraahdo weli dadkeygu( intooda badan) aaysan micnahiisa iyo ulajeedadiisa aaynaan si dhab ah uga daadigin. Waxaan maqli jirnay gobollo iyo degaanno deris ahi oo dirira oo mid waliba difaacanayo "Qaranimadiisa" , halkaana dhaawac iyo dhimasho laga soo wariyo.
Waxaan kaloo maqli jiray in lagu "digto" jabka qolooyin aay cadaawad idin ka dhaxeeyso. Ma hilmaami karo hadal uu ka sheegay nin oday ah masjid dhexdiis oo uu yiri, isagoo soo tebinaayo qolo qolo kale "weerar ku ekeysiisey cadawgoodii markii sallaadii subax aay u istaageen gamna ka siiyeen". Difaaca qaranimada?
Waxaa dhici karta oon uba maleeynayaa in qaranka uu yahay shey nagu cusuboo lagu baraarugay imitaatinkii isticmaarka kadib, kalifayna in dadkan isku luqadda iyo diinta ahi dhawaaqoodu isgaaro. Tolbeelayeeydiina marqura isu bedeshay yaa Soomli aheey - Qarannimaa dhalatay !!
Qaran waa dad iyo dhul huwan mabaadii' u gaara ahna leh. Waxaa aay ila tahay in Soomaalidu aay ogaadeen in aay yihiin dalweyne "tolweynta" Soomaaliyeed- dhiig iyo dhalashona wadaaga. Waa markii ugu horeeysay oo si guud ah aay Soomaalidu fikirka Qaranimada ahi uu ku weeynaadey intii lagu jiray halgankii gumeysi la dirirka.
Inta la xusuusan yahay taariikhda cusub ee dalkeena, Taliskii (Aun) Maxamed Siyaad Barre(waqtigii aan soo barbaaray) ayaa guul weyn ka gaaray isku TOLIDDA Soomaalida QARAN ahaan. Walow siyaabo kala geddisan wax loo arko.
Qowmkii soo barbaaray waqtigaana waa kuwa maanta aay ku weyn tahay qaraninada dugaalkeedana soo harsaday, waxna ku soo bartay iyadoon xoolo la weydiin "Markhaati inta ka ahaw arrintaan igu beeneeya ama igu taageera".
TOLWEYNE SOOMAALIYEED AYAAN TEBEYNAA!
Xusuusnaada in kalmadda "tolliinka" ah aay ka timid "TOL-ka" . Waa in qaranka Soomaaliyeed uu isku tollan yahay; illeen maro go'go'ani dhaxan kaama cellisee. "Qaranka Soomaali waa mid qaawan".
Maxaa iga lumaaya haddii tolkii aan lahaa aan Tolweyne ku helo- Soomaali weyn?
Walow weli aay nooshahay qadiyaddii soomaali weyn, dagaal xoog lehise lagu hayo, waxaa la joogaa goortii si dhab ah aay waxgaradku ka arrinsadaan xoojinteeda. Taa haddii la waayo , sida aay hadda wax ku socdaana aan ognahay, waxaa imaaneeysa maalin aanan la soo hadal qaadi karayn kalmadda SOOMAALIWEYN.
Kala qeybinta umadaha waa halka xeelad oo lagu qabsan karo ummad fufudeeyneysana haysashadooda.
Jarmalkii shallay wax ka qeybiyey Afrika, ayaa la kala qeybiyey markii isaga loo tashaday. Bari iyo Galbeed loo qeybiyey. Muddo dheer ka dib waxaay ogaadeen in aay kala ahaan karin dibna issu soo noqday. War annagu halkeen joognaa?
Walow dad badani u qaadan karaan in aan iska riyoonayo; waxaan aaminsanahay in aan iska dhaadhicin karro in la helo dalweyne Soomaaliyeed oo kheeyraadkiisa aad ogtihiin inta uu la eg yahay. Afarta xilli xilli lagu qadayo ma jiro waa haddii si cilmiyeeysan loo maamusho. Dadkayaguna madawarsadeen duul aaynaan u qalmin in deris la noqdaan.😑

Comments

Popular posts from this blog

CIRIBTA DUULKA FEKERA WAA GUUL.

TUKARAQ?