CIRIBTA DUULKA FEKERA WAA GUUL.
"Kolka guuldaradeeydu aay guushooda tahay , guusheydana aay guuldaradooda tahay, halkee walaalnimo iyo deris wanaag ka imaanayaa"?
Suaashu waa: Yaan la jirnaa, yaan ka jirraa yaa nala jira?
Suaashu waa: Yaan la jirnaa, yaan ka jirraa yaa nala jira?
DERBIYADA MAANKA KA DHEX QOTOMA.
Kolkaad maqasho ama aad aragto ragg akhyaar ah oo jilba jabsan kana duceeysanaya, sanam la yiri waa Ciise Caleyhi salaam iyo hooyadiis oo iyadana lala caabudo. Kolkaad aragto ragg la leeyahay waxaay u denbi dhaafayaan kuwa gaffa, ayagunna aay yihiin ma geffeyaal!. Waxaa shaki ku jirin in aad qotomineysid ama aad ka dhex dhiseeysid gudaha caqligaada iyo maankaagaba derbi xuduud ah si waxa aad la yaabtay aaysan kuugu soo gudbin adiga iyo inta aad ka naxdo. Kaaf iyo kala dheeri.
Waxaa halkaa nooqa muuqda in dhinaca fikirka iyo rumeynta waxyaalaha dahsoon lagu kala duwan yahay si aad ah. Hadaba Maxaa dhici karaya haddii wax walbana lagu saleeyey fikradahaas iyo aragtida falsafeed ee kala fog?. Halkee issu soo dhowaansho deriseed iyo mid walaaltinimmo uu ka imaan karaa, haddii arinku uu yahay tartan iyo ka dulmarid (Dominance) ku salaysan in Falsafadeeydu aay ka kor marto taada.
Tusaale yar; Dabaabadihii Xabashida ee soo gaaraay Caasimadda ummadda waxaa aay u leedahay kuwaa tartanka naga dhaxeeyo macno fog iyo guul taariikhi ah. Ciidan shisheeye ee caasimaddaada soo gaaray labada waddo ee laga soo gallo caasimadda la wareegay- waxa aay ugu qoran tahay baal dahab ah.
Waxaase xusid muddan, in ragg dhiirrani aay diideen in taariikhdaas aay si nabad ah ay ku guuriyaan. Waxyaalaha noo muuqda ee aan wadaagno , waxaa ka culus kana weyn waxaa qola walba maanka iyo maskaxdaba uga qoran oo ka kale diidan.
CAQLIYADDA DUULKA AAN DERISKA NAHAY.
Kol haddii aan ka munaaqishoonay in caqliyadaha is diidan ee falsadad nooc ahi aay hagto; waxaa kuu cadaaneeysa in "nabadaadu aaysan nabaddooda ahayn, Guushaadane aaysan guushooda ahayn". Waxa lagama maarmaan ah in la tixgeliyo arimahaas kore haddii la doonayo in nabad, isfaham iyo horumar waara uu ka hirgalo Geeska.
Qoomkaasu walow aan deris nahay waxaa aay gaashaanbuur diimeed la noqdeen galbeedka , Roomana (Fatikaanka) aay u tahay xaruntoodii ugu muhiimsaneyd ee diinta iyo arimaha ruuxiga ah looga taliyo. Anagu waxaa sidaa oo kale Muqadas noo ah Magaalada MAKKAH oo Kacbadu aay ku taalo-meel nagu weyn. Halkee kullan aragti falsafadda nolosha ahi aay kaga kulmi karaan labadaa aragti . Waa arimmo u baahan si taxaddir ah loo fiiriyo; Kolka dhaqdhqaaq siyaasadeed la sameynayana, waa in aan xisaabta ku darsannaa saykoloojiyaatka ummadaha aan dooneeyno in aan wax la qabsanno.
ISTICMAARKII AFRIKA IYO GACANTII KANIISADDA.
Kaniisadda masiixiga waxaa aay gacan weyn ka geeysatey gumeynta iyo gacan gelinta qaaradda Afrika. Kaniisaddu waxaa aay wiilashooda ku soo taba ruceen hub iyo saanad, iyadiine waxaa aay Afrika keentay Kitaabka baybalka ah iyo Khamri oo isla socda. Waa Ilaah mahadii haddii dadkeygu aay ka nabad galleen labadaa musiibo si kastoo jirkooda loo cadaabayba. Baybalka waxaa uu bedeley caqljga ah "Yaan la jirraa Yaan ka jirraa" Khamrigana waxaa uu bedelay dhaqankii iyo akhlaaqdii dabiiciga ahayd ee shacuubta. Dad habaawsanna si loo hago waa dhib yaraatay.
YAA NALA JIRA?
Waxa xusid muddan in shacuubta Afrika ee masiixiga ahi aay dabaaldegeen una riyaaqeen in QUDUS aay caasimad Yahuudda aay noqoto ayagoo u arka in laga xoreeyey Muslimiinta Kitaabkoodiina loo nusreeyey . Arintaa waxaa ay noogu fillantahay in aay u hirgashay ololahii kaniisadda si loo helo gaashaanbuur dhinaca aragtida nolosha. Yaan la jiraa yaanse ka jiraa. Halkee baaynu annagu joognaa?
DADKA MADAW EE AMEERIKA WEEY GALBADEEN.
Waxaa xaqiiqo ah in aan u qaxnay dhul duulkii naga horeeyey aay gablameen iyadoo aan nala qasbin.
Waloow dadka madow ee Ameerika xoog looga qaaday Afrika , waxaa xaqiiq ah in la bedelay diintoodii , luqadoodii iyo magacyadoodii , si raadka meesha aay ka yimaadeen uu u tirtirmo. Muddo ka dib dadka madoobi waxaay bilaabeen dhaqdhqaaq xuquuqdooda aay u halgammaan. Sida Eritriya ka dhacday , muhimadii dhaqdhqaaqu waxaa loo af duubay Martin luther King oo ahaa Baadari masiixi ah aaminsanaa in la riyoodo oo keliya lagu gaari karo xornimo. Hadal qabsigiisa uu ku caan baxay noqday "I have a dream", Kolka Malcolm X oo hogaamiye muslim ahaa uu aaminsanaa in dagaal hubeeysan laysaga dhiciyo ninka cad ee dabarkooda iyo asalkoodaba gooyey. Kaafi iyo kala....
Labada nin , Martin waxaa uu noqday halyey Ameerika aay xusto Malcolm X na waxaa aay ku tilmaameen in uu ahaa nin fowdo ka waday Ameerika. Si kastaba ha ahaatee labadoodaba waa la khaarijiyey kolkii sumcadoodii aay dheeraatay kasbadeene shacuubta madow.
Waxaa aan u jeedaa si kastaba ha ahaatee duul kasta waa in uuu taariikhdiisa qortaa halka uu dunida ka taagan yahayna cabiraa , xeeriyaa, gaar ka yahaa garsoor iyo gaashaanka ku ballamaan.
Waxaa aan u jeedaa si kastaba ha ahaatee duul kasta waa in uuu taariikhdiisa qortaa halka uu dunida ka taagan yahayna cabiraa , xeeriyaa, gaar ka yahaa garsoor iyo gaashaanka ku ballamaan.
CIRIBTA DADKA FEKERA WAA GUUL.
Ugu danbeyntii waxaan leeyahay ciribta duulka fekera waa guul iyo Barwaaqo.
#FiamaaniAllah


Comments
Post a Comment