Posts

Showing posts from August, 2018

CIRIBTA DUULKA FEKERA WAA GUUL.

Image
                "CIRIBTA DADKA FEKERA WAA GUUL" . "Kolka guuldaradeeydu aay guushooda tahay , guusheydana aay guuldaradooda tahay, halkee walaalnimo iyo deris wanaag ka imaanayaa"? Suaashu waa: Yaan la jirnaa, yaan ka jirraa yaa nala jira? DERBIYADA MAANKA KA DHEX QOTOMA. Kolkaad maqasho ama aad aragto ragg akhyaar ah oo jilba jabsan kana duceeysanaya, sanam la yiri waa Ciise Caleyhi salaam iyo hooyadiis oo iyadana lala caabudo. Kolkaad aragto ragg la leeyahay waxaay u denbi dhaafayaan kuwa gaffa, ayagunna aay yihiin ma geffeyaal!. Waxaa shaki ku jirin in aad qotomineysid ama aad ka dhex dhiseeysid gudaha caqligaada iyo maankaagaba derbi xuduud ah si waxa aad la yaabtay aaysan kuugu soo gudbin adiga iyo inta aad ka naxdo. Kaaf iyo kala dheeri. Waxaa halkaa nooqa muuqda in dhinaca fikirka iyo rumeynta waxyaalaha dahsoon lagu kala duwan yahay si aad ah. Hadaba Maxaa dhici karaya haddii wax walbana lagu sale...

DADKEEYGU MAXAAY DOONAYAAN?

Image
                                     DADKEEYGU MAXAAY DOONAYAAN? Br.r. Hal billyan oo dad ah ee dalka Shiinaha ku nool waxa isku haya waa DAN iyo ARAGTI aay leeyihiin wadaagaanna . Dawladii isticma ariga ahayd ee Ingiriiska waxa aay dunida barkeed ku qabsatay waxaay ahayd DOONIS IYO AWOOD iyadoo jasiirad xun ah . Waxa sidoo kale isku haya 100 Milyan oo dad kala qowmiyad iyo diin ah oo ku hoos noolaa talisyadii ka soo jiray Itoobiya waa , AWOOD iyo IRAADO aay lahaayeen hogaanadoodii, hadii kale ma suurta gasheen in aay weli gumeeysato dhul iyo dadkiisa. Waxa isku hayn kara hal qoys waa HOGAAN wanaagsan iyo DULQAAD. DADKEYGUSE MAXAAY DOONAYAAN ? Waxaan goor aan dheereyn ii soo baxday in sheyga QARAN la yiraahdo weli dadkeygu( intooda badan) aaysan micnahiisa iyo ulajeedadiisa aaynaan si dhab ah uga daadigin. Waxaan maqli jirnay gobollo iyo degaanno deris ahi oo dirira oo m...

TUKARAQ?

Image
Oddorross 16 May 2018 TUKARAQ:                           TUKARAQ HA U BEDELIN RAQDII RAGGA! "Falastiiniyiintu waxaa aay udagaalamayaa dhul hore loo dayacay lana qaatay, anaguse waxaan ku dagaalameeyna tuulo aan wada leenahay si Yahuudda aay u ogaato in aan heyno dhul bilaash ah". "Dadkeeygow haddii wax fikir iyo xikmad haba yaraatee aay idinku hartay u adeegsada si aad hubka aad isku soo jeediseen aad u kala jeedin lahaydeen waa haddii uu intaa caqligu idiin gaaro". Waloow hore aan uga dheregnay wax walba oo murugo ku reeba caqliga caafimaadka qaba ee Soomaaliga. Ma jirto sabab aan ugu celiyo wax la wada ogyahay oo kordhiya calool xumo. Waxaase xaqiiqa noqotay in arimahaas guraccani aayba nolosheenii iyo dhaqankeenii qeyb ka noqdeen. Haddi arrimo qaldani aay sanooyin soconayeen cid gacan uqaadayna aan la arag, miyuusan arinku ahayn wax sidaan dhaama ma hayno? Waxaan dhamaan la wada soconnaa , dhu...